Saddex gabdhood oo la qabtay iyagoo doonayey inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab ayaa la filayaa inay maanta mar kale ka soo hor muuqdaan Maxkamadda magaalladda Mombasa, si loogu soo oogo eedeymo lagu hseegay Argagixiso.
Labo ka mid ah Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Khadija Abubakar Abdulkadir iyo Maryan Saciid Cabuud ayaa u dhashay Kenya, halka gabadha kale oo lagu magacaabo Umul-kheyr Sadri Abdalla ka soo jeedo dalka Tanzania.
Haweenkaasi ayaa la sheegay inay Saraakiisha Milliteriga Kenya ka soo qabteen Deegaanka Ceel-waaq, xilli ay doonayeen inay u soo gudbaan Somalia.
Ilo ku dhow Baarayaasha ayaa sheegay inay gabdhahaasi tashkiilisay Haweeney u dhalatay dalka Syria oo la soo xiriirtay bishii September ee sannadkii hore, taasi oo la sheegay inay gabdhahaasi u ballanqaaday inay guursan doonaan rag ka tirsan Dagaalamayaasha Daacish.