DEG DEG:-Dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dileen Nin kamid ahaa ganacsatada Suuqaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay meel ku dhow Mas’jidka Cowska ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana loo geystay Nin Ganacsi ku lahaa qeybta khudaarta ee Bakaaraha.

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa la sheegay in ay toogteen Ganacsadaha,iyagoo durbo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa xiliga uu dilka ka dhacayay goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay,iyagoona halkaasi ka wada baaritaano la xiriira sida uu falka u dhacay.

Sidoo kale waxaa la tilmaamayaa in weli goobta uu dilka ka dhacay uu yaallo Meydka Ganacsadaha la dilay oo aan la qaadin.

Ilaa iyo hadda lama og sababta ka dambeysay dilka loo geystay Ninka kamid ahaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor