Madaxweyne Xaaf oo amar siiyay Ciidamada Booliska Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa bogaadiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, oo ay Maanta u dabaal dagaya sanad guuradii 75-Aad ee kasoo wareegtay markii la Aasaasay.

Madaxweyne Xaaf waxa xusay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka Amniga, waxa uu si gaar ugu mahad celiyay Ciidamada Booliiska Galmudug, sida ay waajibkooda xasilinta iyo nabadeynta ay u gudataan iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

“Waxaan hamalyo diiran Hawada u marinayaa, saraakiiska, sarakiil xigeenada, dhamaan xaasaska iyo qoysaska ciidamada Booliiska Galmudug, oo maanta xusaya Sanad guuradii 75-Aad ee ka soo wareegtay markii dhibada loo taagay ciidamada Booliiska oo ah hay’ad u xilsaaran ilaalinta sharciga iyo badbaadinta bulshada”

Madaxweyne xaaf ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ciidamada booliiska iyo kaalintooda ku aadan xasilinta iyo sugidda Aminga.

“Booliisku waa halbeega horumarka Amniga iyo kala danbeynta, Nabadi la’aantii ma jiri karto, waana Badbaadiyaha iyo baraaraha Bulshadeena”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xaaf ayaa kula dardaarmay in si dardargaliyaan doorkooda sugida nabad galyada sanadkan ka xigana ay ku guuraan guul iyo horumar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor