DEG DEG:-Dagaal ka socda Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya uu ka socdo qeybo kamid ah Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu sigaarka uga socdo Xaafadda saban saban ee Degmada Deyniile,isla markaana Ciidamada ay isdhaafsanayaan rasaas xoogan,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan soo gaaray labada dhinac.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haayo Muran dhul ku yaalla Xaafadda saban saban,waxaana la maqlayaa rasaas  goos-goos ah oo Ciidanka kawada tirsan dowladda ay isku weedaarsanayan halkaas.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah

Comments
Loading...