Deg-Deg: Ciidanka Nabad Sugida ee NISA oo xiray wariyaha Al-Jazeera ee Soomaaliya Xamza Maxamed

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa xabsiga dhigay Xamza Maxamed, oo u shaqeeya Televeshinka Al-jazeera ee fadhigiisa dhexe uu ku yaalo Magaaladda Doha ee dalka Qadar, sida maamulka gobolka Banaadir ay u sheegeen Idaacadda Dalsan.

Hamza Maxamed, ayaa waxaa lala xiray labo kaamiramaan oo la socotay, waxaana ciidamada ay xireen iyagoo ku sugan magaaladda Muqdishu.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fataax Cumar Xalane ayaa u xaqiijiyay idaacadda dalsan xariga wariyaha Al Jazeera iyo labadiisa sawir-qaade.

Sidoo kale Afhayeen Xalane, waxaa intaasi uu ku daray in daroowalkii la socda wariyaha in lasii daayay kadib markii su’aalo la weydiiyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor