Maxkamadda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa xukun 10-sanno ah ku riday Ninkaasi oo lagu magacaabo Simon Karuga Gitau.
Eedeysanahaasi oo 32 jir ah ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey sidii uu ugu biiri lahaa Xarakadda Alshabaab.
Qareenka u doodayey Eedeysanaha ayaa u sheegay Xeer-beegida Maxkamadda in sababaha uu Eedeysanaha u galay gudaha Somalia tahay sidii uu ku heli lahaa Hotel uu seexdo, maadaama ay qaalli ku noqdeen Hoteelladda kale ee ku yaalla Mandera.
Garsooraha Maxkamadda, Peter Areri ayaa ku gacan sayray arrintaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Eedeysanayaasha soo qabteen Boliska Dowladda Somalia, kuna soo wareejiyeen Boliska Mandera.
Garsooraha waxa uu intaasi ku daray in lala socday dhaqdhaqaaqa Eedeysanaha, tan iyo markii uu bishii August 13-dii ee sannadkan ka soo safray Deegaanka uu ka soo jeedo ee Mwea ee Gobalka Kirinyaga., wuxuuna Garsooruhu carrabka ku dhuftay inuu Eedeysanuhu ugu socdaalay Somalia si uu ugu biiro Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Eedeysane Simon Karuga Gitau ayaa la sheegay inay soo qabteen ciiddan ka tirsan Milliteriga Dowladda Federalka Somalia ee ku sugan Degmadda Buulo-xaawo ee Gobalka Gedo, kuwaasi oo Eedeysanaha ka soo qabtay meel 8 KM u jirta Xuduudka Kenya.
©Radio Dalsan