Darawal si bareer ah loogu dilay waddo ku taalla Magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd inta u dhexeeysa Isgoyska Furalanca iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toogtay Darawal Mooto Bajaaj.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay Darawalka Mooto Bajaajle ahaa uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran kooban soo kala dhex-galay Askariga iyo Darawalka la toogtay.

Muranka ayaa la xiriiray in markii horey Askarigaas oo watay Mooto laba lugaaley uu ku dhawaaday Darawalkii Bajaajle ahaa, uuna ka dalbaday inuu wadada u baneeyo, balse is afgaar kadib uu Askariga rasaas ku furay Darawalka, sidaasina uu ku geeriyooday.

Askariga dilka geystay ayaa durbo goobta uga baxsaday Mootadii uu watay, isla markaana waxaa daqiiqado kadib goobta laga qaaday Meydka Darawalkii la dilay, waxaana la sheegay in loo aaday dhinaca Xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda si bareer ah waxaa ay ugu dilaan Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajta, waxaana horey Caasimadda dalka loo dilay dhalinyaro farabadan oo ku shaqeysan jirtay Mooto Bajaajta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media