Xal laga gaaray muran ka taagnaa duulimaadyadii aadi jiray Gobolada dalka

Waxaa Goordhow xal buux laga gaaray muran ka taagnaa shaqada duulimaadyadii gudaha ee  ka bixi jiray Garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay gadood sameeyeen Shirkadaha duullimaadyada ee aada Gobolada dalka.

Warar kalsoonaan karo oo la helaya ayaa sheegaya in hakadkii saakay ku yimid shaqadii Garoonka ay soo fara-geliyeen Maamulka Garoonka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana haatan la xaqliyay murankii taagnaa.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shalay joojisay diyaarad aadi laheyd Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, taasina ay keentay in Guddiga ay ku mideysan yihii shirkadaha diyaaradaha ay sameeyaan shaqo joojin.

Dad ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa Dalsan u sheegay in dad badan oo rakaab ah, isla markaana kusii jeeday Gobolada dalka ay xirnaayeen gudaha Garoonka inta uu taagnaa muran, balse haatan u baxayaan hadii ay u socdeen.

Si kastaba maalmo ka hore ayey aheyd markii ay dibad-bax cabasho ah sameeyeen howl-wadeenada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen maamulka shirkadda Favori  ee gacanta ku heysa Garoonka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media