Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmadaas ay bilaabeen in ay barakacaan.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada ee Maamulka degmada Balcad Axmed Duqow oo la hadlay Radio Dalsan Xaruntiisa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanada Daniga Baaloow iyo Buulo Kuunto ay saacadihii la soo dhaafay barakacayaan.
Waxa uu ku sheegay sababta ay u barakacayan in ay ka dambeyso kadib markii deeganadaas iyo meelo u dhaw dhw ay ku dagalameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Sikastaba tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye Duqoow.