Waxaa sare u sii kacaysa tirada maalinlaha ah ee dadka u dhimanaya cudurka Corona ee dalka Mareykanka.
24 saac ee ugu dambeysay waxaa Mareykanka cudurka Corona ugu dhintay 1973 qof , taasai oo ah tiradii ugu sareysay ilaa iyo imika.
Gobolka New York, ayaa ah gobolka uu saameynta ugu badan ku yeeshay cudurdka islamarkana ay ku dhinteen shalay oo kali ah 779 .
Barasaabka gobolka New York, Andrew Cuomo, ayaa amray in calanka hoos loo dhigo si xushmad loogu muujiyo dadkii dhintay.
Dhanka kale xogtii ugu dambeysay ee ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins, ayaa muujinaysa in guud ahaan caalamka uu cudurka soo ritay 1.5 milyan oo qof.
Cudurka Corona ayaa sidoo kale waxaa guud ahaan caalamka ugu dhintay 90,000.
Dalka Taliyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida ba’an ugu dhuftay cudurka ayaa waxay dowladda sheegtay in dabayaaqada bishan laga yaabo inay dabciso xannibaadaha la soo rogay.
Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda ka digaysta halista uu cudurka ku yeelan karo dalalka so koraya.
Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in haddii uu si ba’an uga dilaaco cudurka Corona dalka Koonfurta Sudan uu sababi karo cawaaqib musiibo ku keeni kara malaayiinka rayid ah oo aad u nugul.
Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay dowoladda KMG ee Koonfurta Sudan inay dardar galiso dadaalada lagu xakameynayo cudurka Corona.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 1 milyan iyo bar qaxooti dalkaasi gudihiisa ku barakacay ay halista ugu weyn ugu jiraan cudurka.
Madaxa hay’adda caafimaaka aduunka ayaa dhankiisa ku baaqay in loo midoobo oo la isu kaashado dagaalka ka dhanka ah feyriska Corona.
Hadalkiisa ayaa yimid xilli uu madaxwayne Donold Trump uu weerar dhanka afka ah ku qaaday hay’adda caafimaadka aduunlka.
Dr Tedros Ghebreyesus ayaa ku baaqay in la so afjaro siyaasadeynta feyriska Covid-19.
Trump ayaa dhankiisa ka digay in dib u eegis ay ku samyn doonaan dhaqaalaha ay siiyaan hay’adda caafimaadka aduunka .
Madaxwaynaha Mareykanak ayaa ku eedeeyay hay’adda caafimaadka inay u xaglisay Shiinaha, balse Dr Tedros ayaa se ku adkeystay in WHO ay si dhaw ula shaqeynaysay dal walba islamarkana aysan middib gaar ah eegin.