Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay dambi ah iney xiriir la lahayen Kooxda Daacish

Xeer beegti Mareykan ah ayaa ku halay seddex dhalinyaro oo Soomaali ah dambi ah iney xiriir la lahaayen kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Dhageysiga dacwadab dhalinayarada ayaa muddo soo soctay waana kiiskii ugu cuslaa ee dhalinyaro Soomaali ah lagu soo oogay,iyaga oo ku muteysan kara xukun ah xabsi daa’in.

Seddexdan wiil waxa lagu kala magacabaa Guuled Cumar oo jira 21 sanno,Cabdiraxmaan Da’uud oo jira 22 sanno iyo Maxamed Faarax oo isagana jira 22 sanno.

Qaar kamid ah ehelka wiilshan ayaa BBC u sheegay ineysan ku qanacsaneyn go’aan ay gaaren xeer beegtida.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor