QM ayaa waxaa laga codsaday in wax laga qabto Dhoofinta Dhuxusha, iyadoo uu dalka Somalia Khatar ugu jiro inuu noqdo Lama-deegaan iyo รย Nabaad-guur.
Warbixin loo gudbiyey QM ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee Dhirta Somalia loo jarayo tahay sidii dhuxul ahaan loogu diri lahaa dalalka Gacanka Carabta oo si xooggan looga isticmaalo Shiishada.
Warbixinta waxay ku eedeysay Dowladda Sacuudiga inay ku gacan-sayrtay inay iska joojiyaan Dhuxusha Somalia, iyadoo 90% dhirta Somalia la baabรขโฌโขiyey, lagana dhigtay Dhuxul.
Warbixinta waxa uu tilmaamay in Dhuxusha Somalia si aad ah รย loogu dhoofiyo dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxaa kaloo loo dhoofiyaa dalalka Yemen iyo India.
Dhinaca kale, Warbixintan loo gudbiyey QM ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Shirweynaha Caalamiga ee Cimiladda bishan November 30-ka ka furmi doono Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.Si kastaba ha ahaatee, Dhirta Somalia ayaa la xaalufinayey tan iyo sannadihii 90-aadkii, waxaa haatan la sheegay inay haatan soo hareen oo keliya 10.% Dhirtii Guud ee Somalia caanka ku ahayd.รย รย รย รย รย รย รย รย
รยฉ Radio Dalsanรย รย