Dagaal Xooggan oo mar kale dib uga qarxay Magaalada Laascaanood

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC oo Saaka mar kale dib uga qarxay Magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana dad Goobjogayaal ah ay soo sheegayaan in dagaalka xooggiisu uu ka socdo halka loo yaqaanno Maraaga,waxaana si weyn loo maqlayay jugta dhawaqa hubka ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Millateriga Somaliland laguq aaday weerar seddex jiho ah.

Dagaalka ka socda Magaalada ayaa galaya 20 maalmood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, oo soo kalagaaray dhinacyada dagaalamaaya iyo dadka shacabka ah eek u nool magaalada Laascaanood.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply