Howgallo ka dhan ah Ciyaal Weerada oo laga sameeyay Magaaalda Muqdisho

Ciidamada Duufaan ee Nabad Sugidda Qaranka oo ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay qaybo ka mid ah Degmada Kaaraan de Gobalka Banaadir, waxaana ay ku soo qabteen Ciyaalo weero dhibaatooyin ku hayay dadka degaanka.

Ciidamada ayaa u daatay dhowr guri oo la sheegay inay gabbaad u ahaayeen Ciyaal weerada, waxaana ay kasoo qabteen guryahaasi tiro badan oo ka mid ah Ciyaal weerada.

Howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday Laamaha ammaanka degmada Kaaraan iyo Ciidanka Duufaan,waxaana u jeedkiisu ahaa ka hortagga falalka lidka ku ahaa amamanka guud oo Ciyaalweearadu qaybta ka yihiion.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinka ay sida weyn dhibaatooyinka kaga gaystaan Ciyaal Weerada, waxaana hoeray maamulka iyo laamaha amaaanka Gobolka Banaadir ay sheegeen inay la hortagi doonaan falalka ay gaystaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor