Dagaal Khasaare geystay oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan

Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in saqdii dhexe ee xalay ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Abaaro 10:00 habeenimo ee xalay ayaa dad is abaabulay oo la magac baxay Macawuusley ay weerar ku qaadeen fariisin dagaalamayaasha Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Luuq-Jeelow halkaas oo uu ka dhacay dagaal qaraar.

Mid ka mid ah kooxda Macawisleyda oo la hadlay dalsan ayaa sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen isla markaana ay Shababaab ka dileen 7 ka mid ah dagaal yahanadoodii halkaas ku sugnaa.

Dhinacadooda ayuu tilmaamay in uu jiro dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale waxaana uu sheegay in ay dib ugu soo laabteen deegaankii ay weerarka ka qaadeen.

Dhowr jeer ayay sidaan oo kale Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo la magac baxay Macawisley waxa ay ku dagaalameen deegaano ka tirsan gobolka Hiiran iyaga oo gacan ka helayo ciidamada dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media