Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurka Malaariyadda nooca Chikungunya oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Bariga dalkaasi.
Is-maamulka magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Diridhabe waxay shalay shaaciyeen inay socdaan olole looga hor tagayo cuurkaasi, iyadoo ay in ka badan 3,750 Kiisaska cuddurkaasi laga helay magaalladdaasi
Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Diredhabe, Fu’aad Kadiir oo la hadlay Idaacadda FANA waxa uu sheegay in aan weli la xaqiijinin inay dhamaan Kiisaskaasi xiriir la la leeyihiin nooca cusub ee cuddurka Malaariyadda
Lama soo werinin dad u geeriyooday cuddurkaasi, iyadoo dadka ku nool Diridhabe loo qeybiyey in ka badan 179,000 oo maro-kaneecadda looga gaashaanto qaniinyada Kaneecadda.
Sidoo kale, Cuddurka Kaneecadda ee nooca Chikungunya waxaa kaloo la sheegay inuu waxyeelo ka geystay Is-maamulladda Qowmiyadaha Soomaalida, Cafarta iyo kuwa Gobalka Koonfureed ee dalkaasi.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa cuddurka nooca Kaneecadda ee Chikungunya waa Fayris ay Kaneecadda Dhedig faafiso, marka ay soo qaniinto qof la xanuunsanaa cuddurkaaasi oo Xumad daran leh.
Calaamadaha lagu garan karo Bukaanka uu ku dhaco cuddurka nooca Malaariyadaasi waxaa ka mid ah Matag Joogto ah, cirid dhiig, Neefsasho degdegsiimo leh iyo hunqaaco uu dhiig la socdo.
Hay’adda WHO waxay kaloo sheegtay in cuddurka Malaariyadda ee nooca Chikungunya laga helo Deegaanadda ay ku badan tahay Kaneecadda Dheddiga ee faafisa Fayriska loo yaqaano Dengue.