Saraakiisha Boliska ee dalkaasi ayaa sheegay in Danjire Kayriyakos Amiridis oo 59-jir ah ay Isbiibtii hore dileen Xaaskiisa oo u dhalatay Brazil iyo Sarkaal Bolis oo uu ka dhexeeyey xiriir jacayl.
Maydka Danjirahaasi ayaa Khamiistii la soo dhaafay laga dhex galay gurigiisa oo gubtay, hal maalin kadib, markii ay xaaskiisa sheegtay inay la’dahay Ninkeeda.
Haweeneysdaasi oo lagu magacaabo Faransoys de Suza Olifeyra oo 40-jir waxaa lala xiray Saaxiibkeeda iyo qof ehelkeeda ah, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dilka Safiirkii GIriigga u joogay dalka Brazil.
Safiirka iyo Xaakiisa waxay booqasho Famil ku joogeen mgaalladda Riyo De Janeyro tan iyo bishan December 21-keedii, waxaana u qorsheysnaa inay dib ugu laabtaan caasimadda dalka Brazil ee Braziliya bisha soo socota ee Janaayo 9-da.
Dhinaca kale, Baarayaal ka tirsan Boliska dalka Giriigga iyo Danjiraha u jooga dalka Arjentiin ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Baaritaanka dilkaasi.
©Radio Dalsan