Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo dhawaan Maxkamada Hargeysa ay ku riday Xukun 5 Sano ah ayaa la sheegay in Xabsiga uu ku dhex xanuunsaday.
Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in boqor Buurmadoow shalay la geeyey isbiatalka Magalada Hargeysa si xaaladiisa Caafimaad loo hubiyo balse markii dambe hadana dib loogu soo celiyey Xabsigii uu ku jiray.
Xanuunka ayaa la sheegay in uu yahay Xanuunka dhiig-karka oo uu markii hore uu qabay sidoo kalena Macaanka uu ka yaraaday sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadak Isbitaalka Hargeysa.
Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqul Insaanka Soomaaliland ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in Boqor Buur Madow uu ku kacay Xanuunka dhiikarka,isla markaana uu Masuuliyiinta Soomaaliland uu ka dalbanayo in ay siidaayaan.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa Khamiistoo la soo dhaafay waxaa Maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay 5 Sano oo Xabsi ah,iyada oo lagu eedeeyey in uu ku dhaqaaqay fal lidi ku ah Qarimada Soomaaliland sida ay hadalka u dhogeyn.