Dad ku geeriyooday  qarax ka dhacay Yemen iyo Diyaarad Drones oo Sacuudiga laga soo riday.

Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ayaa sheegtay in 3 qof oo uu ku jiray ilmo yar lagu dilay qarax ka dhacay bar kontorool oo ku taalla Degmadda Rada’ ee Gobalka Bayda ee Bartamaha dalkaasi.

Ciiddanka Dowladda ayaa rasaaseeyey gaari laga shakiyey oo ay wateen xubno ka tirsan Maleeshiyadda Xuutiyiinta, waxaana Gaarigaasi ka dhashay Qarax ay ku geeriyoodeen 3-qof, iyadoo 8 kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay soo rideen Diyaarad Drones oo laga lahaa Sacuudiga, taasi oo hawlgal ka waday Degmadda Sirwah ee Gobalka Ma’rib.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media