Donald Trump oo taageerayo Nabadda Falastiin iyo Yuhuudda.

Sarkaal u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay inuu Madaxweyne Trump taageerayo Wada-hadalka Labadaas dhinac, xitaa haddii ay taasi ku jirin Xal Labo Dowladood oo si wadajir u wada nool.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan Trump u yeerin doonin labada dhinac waxa uu xalku yahay, balse ay Nabaddu tahay hadafka ugu dambeeya.

Hadalkaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Donald Trump maanta la kulmayo Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayaahu.

Labada Hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan Xiriirka Labada Waddan, Qorshaha Maraykanka ay Safaaradooda ugu wareejin doonaan magaalladda Quddus-ta La-haysto iyo Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu Ergayga Wada-xaajoodka Falastiin iyo Yuhuudda u magacaabay Jareed Kushner oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay Trump.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media