Dad ku geeriyooday dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaaseyn dabley hubeysan Gelinkii dambe ee Maanta ku dhexmartay deegaanka Galhoog oo ah deegaan xeebeed ka tirsan Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay isku-rasaaseeyeen ay tahay kala shaki soo kala dhex gashay,waxana is-rasaaseyntaas ku geriyooday hal ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Deegaanka Galhagoog ayaa maanta waxaa ku soo caariyay markab la sheegay iney saaran yihiin badeecadoyin kale duwan,lama oga Markabka halka uu ka diiwan gashan yahay iyo cida iska leh.

Saraaskiiha Galmudug ee Gobolka Mudug weli wax faah faahin dheeraad ah kama bixin dagaalka gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay deegaanka Galhagoog,iyo markabkii Maanta soo caariyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor