Ciidamada Kenya oo toogasho ku diley Saddex ruux

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ayaa waxaa ay toogteen Saddex ruux oo laga shakiyey,kuwaas oo ku sugnaa deagaanka Utange, ee magaalada Xeebta ah ee Mombasa.

Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa waxa ay tebiyaan in raga la dilay uu ku jiray Wiil 17-jir ah,kaas oo la socday 5 Ruux oo Saddex uu ka mid yahay la toogtay.

Sarkaal ka tirsan booliska degaanka oo lagu magacaabo Godffrey Masamba ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo laga shakisan yahay oo ka tirsan xubnaha burcadda ah ee degaanka Kisauni.

Dhinaca kale Taliyaha booliska Magalada  Mombaasa Johnston Ipara ayaa sheegay in raga la toogtay looga shakiyey inay ahaayeen burcad ku hubeysan baangado iyo mindiyo,isla markaana meydkooda la geeyey isbitaalka guud ee gobolka xeebta (CPGH).

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Kenya eek u sugan Magaalooyin ka tirsan Waqooyi Bari dalka Kenya waxa ay ku howlanaayeen ka hortaga kooxo burcad ah oo mararka qaar dahc u geysan jirin dadka rayidka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor