Shilkaan Gaari ayaa duhurnimadii Maanta waxa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dad ku sugan Balcad ayaa Dalsan u sheegay in Gaari NOHA ah uu ku rogmaday tuulo lagu Magacaabo deegaanley oo u dhaxeysa Magalada Miqdisho iyo degmada Balcad,waxaana gaariga uu ka baxay Magalada Muqdisho.
Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay Darawalkii Gaariga oo lagu Magacaabi jiray Yaxye Xaaji Ibraahim(Maqaareey) iyo Haweeney gaariga la saarneyd halka dad kale ay ku dhaawacmeen.
Gaariga ayaa xilliga uu rogmanayay waxa uu ku socday si xowli ah,waxaana dad saarnaa ay sheegeen in si kedis ah uu ku rogmaday gaariga.