Dowladda Somalia ayaa soo bandhigtay xubno ka tirsan Alshabab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda fedraalka Somalia,kuwaas oo ay magacyadooda ku kala sheegtay Guuliye Xareed Muxumed iyo Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsaa Al Shabaab iskuna soo dhiibeen ciidamada dowladda eek u sugan magaalada Garba-haareey ee gobolka Gedo.
Raggaan ayaa muddo ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kana dagaalami jiray deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Gedo,dagaalana ay iskaga hor yimaadeen ciidamada milatariga Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay Gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan.