Puntland oo ruqsaddii kala noqotay Telefishanka SBS

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ruqsaddii kala laabteen telefishanka SBS oo ka mid ah telefishannada ku hadla afka Soomaaliga.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Cali ayaa waxaa lagu sheegay in Tv-ga uu ku dhaqaaqay falal lidi ku ah amniga,isla markaana dhowr mar digniin loo diray maamulka tv-ga iska indha tireen.
Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyay Maamulka tv-ga, laamaha Amniga Puntland,guddoomiyeyaasha Gobolada,Ururka Saxafiyiinta Puntland ee Map iyo Madaxtooyada Puntland.
Si kastaba Somaliland ayaa iyaduna horay uga mamnuucday deegaannadeeda in uu ka hawl-galo telefishanka SBS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media