• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 6, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dacwadda ka socota Maxkamadda Sare ee Kenya ee lagu soo oogay Hay’adaha Taageera Warbaahinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Warfaafinta, waa Weerar lagu soo qaaday Qaranimada Soomaaliyeed.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 20, 2016
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dacwad la sheegay in laga oogay ama la geeyay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya 27 Janaayo, 2016. Dacwaddaas oo ka dhanka ah labo hay’adood oo caalami ah oo saxaafadda Soomaaliya taageera, iyadoo eeddana qeyb ka tahay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, dacwaddaas oo nuxurkeedu yahay in hay’adaha caalamiga ee taageera Saxaafadda Soomaaliya laga joojiyo howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Dacwaddan waxaa horkacaya Faarax Maxamed Yuusuf (Faarax Lamaane) oo ka mid ah Shaqaalaha laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo Cumar Faaruuq Cusmaan. Doodda Cumar Faaruuq iyo Faarax lamaane oo qareeno u yihiin WAFULA SIMIYU & COMPANY ayaa ku doodaya inay si sharci ku metelaan saxaafadda Soomaaliyeed, isla markaasina ay khalad tahay inay hay’adahaasi ay ka fuliyaan Soomaaliya mashaariic horumarineed, maadaama aysan iyagu ogeyn, kana dalbadeen maxkamadda Sare ee Kenya inay hay’adahaasi ka joojiso mashaariicda ay ka mid tahay Istiraatiijiyada heerka Qaran ee hay’adaha IMS iyo FOJO ka caawinayeen Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo mashaariicda kale ee ay la wadaan ururada warbaahinta Soomaaliya ka jira.

Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah International Media Support (IMS) iyo FOJO Media Insitute oo hay’adood oo ka soo kala jeeda dalalka Denmark iyo Sweden, Soomaaliyana ka wada mashruuc lagu hormarinayo istiraatiijiyada warbaahinta Soomaaliyeed oo socon doona muddo 5 sano ah oo ay ka taageerayaan dowladda Soomaaliya. Labadan hay’adood waxay sidoo kale hadda taageero toos ah siiyaan ururada Saxaafada sida Ururka Suxufiyiinta Somaliland, (SOLJA), Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Sidoo kalena sanadka 2016 waxa ay hay’adahani taageero toos ah siiyaan ururada ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha idaacadaha iyo agaasimayaasha warbaahinada kala duwan sida Network 2013 iyo SIMHA oo metela ku dhowaad 50 xarumo warbaahinood oo ka howlgala Soomaaliya. Sidoo kalena waxay taageeraan Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Somaliland (Human Rights Center, Somaliland).

Dhanka kale, waxa ay dacwaddani ku oogan tahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim (Bakistaan). Sidoo kale, dacwaddani waxa ay eedeyn culus u soo jeedineysaa wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya inay ku taageertay hay’adahan inay caawiyaan ururada saxaafadda Soomaaliyeed ee kor ku xusan.

Dadka u dhuun daloola arrimaha qaanuunka ayaa ku tilmaamay in dacwaddani tahay mid guud ahaanteedba khatar ku ah Qaranimada iyo Caddaaladda Soomaaliya

“25 sano kadib, Soomaaliya maanta waxa ay leedahay dowlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay, waxaa inoo dhisan hay’adihii garsoorka, kuwii sharci dejinta iyo kuwii fulinta sidaa darteed, ma jirto sabab dacwad Soomaaliyeed looga furto waddan shisheeye, waxayna dhaawac iyo sharaf dhac ku tahay nidaamka garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Sare ee dalka iyo qaranimada Soomaaliya, sababtoo ah dacwadani micnaheedu waxa uu yahay in Soomaaliya ay tahay meel aan garsoor ka jirin oo fowdo ah” sidaa waxaa yiri Qareen Cabdulqaadir Maxamed Muuse,

Ururku Suxufiyiinta Qaranku ayaa u arka in tallaabadani ay tahay mid cadawtinimo oo cuuryaamineysa horumarka iyo danaha weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

“Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu dadaal dheeri ah u galay in hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya inay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya si mashaariicda ay qabanayaan ay u noqdaan kuwo waxtar u ah bahda warbaahinta, sidoo kale waxa uu ururku ku dadaalayay inuu ka dhaadhiciyo hay’adaha taageera Warbaahinta Soomaaliya inay gudaha dalka ka howlgalaan, taasoo meesha ka saareysa in si shakhsi ah looga faa’iideysto taageerada caalamku siinayo warfidiyeenka Soomaaliyeed,” Sidaa waxaa yiri Maxamed Ibrahim (Bakistaan), Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed. Xoghayuhu wuxuu intaasi raaciyay in nuxurka dacwaddani uu yahay in shakhsiyaad ay afduubaan deeqaha caalamiga ah ee loogu talogalay in lagu gacan qabto warfidiyeenka Soomaaliyeed, sidii horeba u dhici jirtay, mana ahan maanta mid suuro geleysa.

BAAQ:

▪ Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Soomaaliya inay isu taagto ilaalinta sharafka qaranimada Soomaaliyeed, islamarkaana ay difaacaan danaha warbaahinta Soomaaliyeed iyo saaxiibada u soo gurmaday inay hormariyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo maanta shakhsiyaad ay doonayaan inay isbaaro u dhigtaan.
▪ Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha Garsoorka Soomaaliyeed inay ka hortagaan wixii dhaawacaya nidaamka caddaaladeed ee ka jira Soomaaliyeed, sabatoo ah dacwaddani waxa ay meel ka dhac ku tahay hannaanka garsoor ee ka jira waddanka. Haddii aan tan laga hortegina waxaa dhici doonta in dacwadaha madaniga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ahna ay ka furmaan waddamo shisheeye.
▪ Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ururada saxaafadda, ururada bulshada rayidka iyo kuwa warbaahintuba inay isu taagaan difaaca saaxiibada taageera danaha warfidiyeenka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka inay u midoobaan garab istaagga saaxiibada saxaafadda Soomaaliyeed ee IMS iyo FOJO oo lagu soo qaaday weerar qaawan oo bahalnimo ah iyo in Beesha caalamku ay sameyso baaritaan caalami ah oo ku saabsan hay’adaha taageeraya shirqooladan la doonayo in lagu majaxaabiyo mashaariicda horumarineed IMS iyo FOJO ay ku taageerayaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ka hortegi doonaa khatar kasta oo ku timaada danaha warfidiyeenka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa uu isu taagi doonaa difaaca IMS iyo FOJO iyo saaxiibada kale ee heer caalami ee taageera warbaahinta Soomaaliyeed.

Previous Post

RW Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Ciidamada ay u baahan yihiin Xogta Shacabka

Next Post

Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay dileen Sarkaal Alshabaab ugu qaabilsanaa Miinooyinka.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay dileen Sarkaal Alshabaab ugu qaabilsanaa Miinooyinka.

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

CAIRO – President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia is set to depart for Cairo, Egypt's capital, where...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
  • HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00