Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inay weerareen Xero Tababar oo lagu magacaabo Sidimo ee duleedka magaalladda Baardheere  ee Gobalka Gedo, isla markaana ay ku dileen 20-Maleeshiyo.
Afhayeenka oo la hadlay Wrabaahinta dalkaasi ayaa sheegay in dadka lagu dilay weerarkaasi uu ka mid ahaa  Sarkaal lagu magacaabo Macallim Shariif, kaasi oo Khabiir ku ah Farsamaynta miinooyinka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka waxa kale oo u usheegay inay Xeradda ay weerareen ka soo heleen 16 qoryaha AK 46, 2 Bistoolad, 8 Gantaallada Garbaha laga rido ee RBG ama Baasuuke iyo 6 qaxyaabaha qarxa waa sida uu hadalka u yiri Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo.
Mar sii horreysay Ciiddanka Kenya waxay sheegteen inay Madixii Sirdoonka Alshabaab, Mahad Karatay ku dileen duqeyn bishan 8-dii lagu qaaday Xeradda Tababarka Nadaris ee Gobalka J/dhexe.
Afhayeenka Hawlgalladda ee Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyey in la dilay Mahad Karatey, wuxuuna sheegay inay Sheegashada Kenya tahay mid ay ugu beer qaboojinayaan qoysaska Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ee Janaayo 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
©Radio Dalsan