Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa wax ay sheegayaan in uu dab khasaaro dhaliyay uu ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla Magaaladaas.
In kastoo aan la ogeyn waxyaabaha sababay dabkaasi ayaa hadana waxaa socda Gurmad loo sameynayo kaalinta Shidaal ee uu debka ka kacay si loo demiyo.
Dabka ayaa geystay khasaaro hantiyeed iyo mid nafeed,waxana lagu soo waramayaa in sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa 8 ruux kuwaas oo la geeyay Goobaha Caafimaad ee Magaalada Garoowe.
Dadka ku nool Magaalada Garoowe iyo Masuuliyinta Maamulka ayaa haatan wada gurmad ballaaran oo ay ku deminayaan debkaas,waxana Goobta ku sugan Gawaarida dab demiska.