Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodi doona Xil ka qaadista Ceydiid Ilka Xanaf

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ka doodaya xil ka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii Maxkamada Sare Ceydiid Ilka Xanaf.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan uu dalbaday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed (Cismaan Jawaari).

Sharci ahaanshaha xil ka qaadista Ceydiid Ilka Xanaf ayaa muran weyn laga keenay sida wararka ay sheegayan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay xilka ka qaaday gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka mudane Ceydiid Ilka Xanaf isaga oo ku bedelay Dr Ibraahim Suleyman Iidle oo hore u ahaan jiray qareenkii guud ee Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor