Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaal saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab iyo Shacab is aruursady ku dhex maray deegaano ka tirsan Sh/Dhexe.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaasi ay sababta ku kaliftay inay dagaalmaan ay tahay kadib markii,Xoolahooda la dhacay,guryahooda la gubay,isla markaana dhibaatooyin kale loo geystay.
Shacabka is aruursaday oo la Magac baxay Macawuusley ayaa waxa uu sheegay ay yihiin Jabhadda dib u xureynta Gobolka Shabeelaha dhexe,hayeeshee ay yihiin kuwo aan loo aas aasin dano gaar ah oo Siyaasadeed.
Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay siiso taageero ciidan,maadaama ay dagaal xooggan kula jiraan Al-Shabaab.
Dadkaan Shacabka ah ee la magac baxay Macaawusley ayaa Maalin ka hor waxa ay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,sida Masaajid Cali Gaduud ay kula dagaalameen Al-Shabaab,iyada oo dagaalkaas uu ku dintay hoggaamiyahoodii oo lagu Magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabduqaadir Carabow.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac(Ciyaar Jecel) ayaa isna waxa uu sheegay in dowladda soomaaliya dadkaasi ay ka waayeen taageero millateri,isla markaana la dayacay.
Xildhibaan Cabdi Shire “waxaa ayaan darro ah in DFS ay taageeri waysay dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab”
Hoos Ka Daawo muuqaalka Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac(Ciyaar Jecel)