Xildhibaanadii dhawaan ku shiray Kenya oo Maanta cadeynaya mowqifkooda

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu shir Jaraa’id War-Baahinta ugu qabto gudoomiyaha madasha (Horusocod) oo ay dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somaaliya si KMG, ah ugu doorteen in uu u noqdo gudoomiye.

Xildhibaano ku dhow boqol oo ku shiray Magaalada Nairobi ayaa waxay gudoomiye si KMG, ah ugu doorteen Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiidig,iyagoo sheegy in ay yihiin Xildhgibaano doonaya’Horusocod’.

Xog ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa in Gudoomiye(Xidig)  la filayo in Maanta shirkiisa Jaraa’id in uu ku faah faahiyo sababta loo aas aasay Madsha(Horusocod) oo dadka qaar u arkaan in ay tahay mid lagu mucaaradayo Madaxda ugu sareysa dowladd Somaaliya sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre)

Wixii ka soo baxa shirka Jaraa’id kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media