Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa amanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo Go’aankii Maamulkaas uu ku taageeray Go’aankii Wadamada Khaliijka ay xiriirka ugu jareen dowladda Qatar.
Boqolaal ka mid ah Shacabka Cadaado ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Magaaladaas kuwaas oo taageeraya Go’aanka uu qaatay madxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf.
Mid la mid ah banaanbaxaas ayaa shalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, balse waxa xusid mudan in Madaxweyne ku xiegenka Maamulk Galmudug Maxamed Xashi Carbaeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ay k soo horjeedaan Go’aanka uu qaatay madaxweyne Xaaf.
Hoos Ka Daawo Sawirrada