Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay kordhinayaan Taageeradda Samafal ee ay siiyaan dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria, si loo caawiyo malaayiinta qof ee ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Colaadaha iyo ammaan la’aanta cuntada.
Agaasimaha Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta  Kaalmadda Calaamiga “US AID†, Mark Green ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Shirweynaha Golaha Guud ee QM ee haatan ka socda Xarunta Dhexe ee QM ee New York.
Waxa uu tilmaamay in Kaalmo dheeraad ah oo dhan 575 million oo Dollar la siinayo dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria, si loogu adeegsado Gurmadka Cuntada, Daryeelka Caafimaadka, helitaanka biyaha nadiifk, ka-hortagga Cudduradda iyo Nafaqo-darrada haysata dadka ku dhibaataysan dalalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Kharajka guud ee ay Dowladda Maraykanka sannadkan ugu deeqday Hawlaha Samafalka ee dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria ayaa waxay gaaraysaa 2.5 Billion oo Dollar