Warbaahinta Xarakadda Alshabaab iyo Baraha Internet-ka ayaa shaaciyey inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Diyaarad Drone oo bad-qabta, xilli ay ku jirtay Duullimaad dhinaca Sirdoonka.
Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay shalay ku dhacday Deegaanka Quddus oo 45 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Kismaayo.
Saraakiisha Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay la wareegeen Diyaaradaasi, kadib, markii ay Dadka Deegaanka ku soo wargeliyeen Diyaaradaasi oo ay ku rakiban yihiin Kamerooyin Dijital ah iyo Qalabka kale ee wax lagu basaaso.
Milliteriga Maraykanka ee Saldhigga ku leh Kismaayo ayaa waxay inta badan Diyaaradaha Droneska u adeegsadaan Hawlgalladda Sirdoonka ee ay ka wadaan Koonfurta Somalia.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay Xarakadda Alshabaab gacanta ku dhigaan Diyaaradaha Droneska ee la hago, waxayna bilowgii sannadkan gacanta ku dhigeen Diyaarad Drones oo ku soo dhacday duleedka Degmadda Baardheere ee Gobalka Gedo.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha Somalia waxay Saldhigyo ay Droneska ka hawl-galaan ku leeyihiin magaalladda Kismaayo iyo Deegaanka Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose.
©Radio Dalsan