Maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah fhin k bixiyay Wabiga Shabeelle oo Maalmihii la soo dhafay fatahaad k sameynayay deegaano hoostaga degmadaas.
Gudoomiyaha degmada Mahadaay Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox oo la hadlay Idaacadda Dalsan Xarunta Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Wabiga uu baabi’iyay dhul beereed aad u weyn isla arkaana hadda dalagyo kala duwan ay ka soo go’ayeen.
Waxa uu sheegay in Fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameynayo ay masuul ka yihiin Al-Shabaab kuwaas oo uu ku eedeeyey in ay iyaga Biyaha soo deynayaan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha