Telefishinka Shamshad TV oo ku taalla magaalladda Kaabul.
2 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaasi, halka 3 kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.
Ugu yaraan 5 dabley oo aad u hubeysan ayaa weeraray Dhismaha Dhexe ee Shamshad TV.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay Dableyda ku labisnaayeen Labiska Ciiddanka Boliska ee dalkaasi, waxayna Bam-gacmeedyo iyo rasaas huwiyeen Xarunta Tv-ga, waxayna gudaha u galeen Dhismaha TV-ga.
Mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayaa isku qarxiyey Ganjeelka Koowaad ee Dhismahaasi, ka hor intaysan Dableyda kale gudaha ku galeen.
Ciiddanka sida degdegga u hawlgala ee CRU ayaa yimid Dhismaha TV-ga wax yar kadib, markii ay dableyda weerareen Shamshad TV.
Weriye ka soo baxsaday dhismaha Telefishinka ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da inay Dableyda weli ka dagaalamayeen gudaha Dhismaha, lana maqlayey Is-rasaasaynta.
Saxafigaasi waxa uu sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadiisa la dilay, lana dhaawacay.
Warar hordhac ah ayaa sheegayo in Hal Askari iyo hal dabley ah lagu dilay iska horimaadkaasi, halka 3 kalena lagu dhaawacay, balse laga yaabo inay tirada is-bedesho, iyadoo uu dagaalku sii socoda.
In ka badan 100 shaqaale ayaa loo malaynayaa inay ku jireen gusaha Dhismaha Shamshad TV, waxaana hawada laga saaray Telefishinka,. Isla markii ay Maleeshiyadad gudaha u galeen.