Wararka Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ay maamulaan Alshabaab.
Duqeyntaan oo dhacday saqdii dhexe ee xalay ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Gaala-waara oo hoostaga degmadsa Afgooye.
Dowladda Somalia wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarka dhinaca cirka ah eek a dhacay deegaankaan hoostaga magaalada Afgooye,dhinaca kalana Alshabaab maysan sheegin khasaaraha ka soo gaaray duqeyntaan.
Duqeyntaan ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalo ay ka wadaan gobalka taas oo ay ku sheegeen in ku qabsadeen dhowr deegaan oo gacanta ugu jieay Alshabaab.
Halkaan Ka Dhageyso