Xiisad Siyaasadeed oo kacsanaan ah oo soo bilaabatay 26 Bishii September kadib markii ay sheegeen Xildhibaanada galmudug in ay xilka qaadis ku sameeyeen xildhibaano gaarayay 52 Mudane xilka qaadis ku sameeyeen Madaxweyne Xaf ayaa weli taagan.
Waxaana dhanka kale barbar socday Xaaf oo iska diiday xilka qaadistaas isaga oo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Xiisada Siyaasaded ayaa sii kacday isla Bishaas 30,keedii kadib markii xildhibaano kale ay sheegeen in ay xilalkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas balse ay xusid mudan tahay in Xaaf uu ka qeyb galay shirar lagu Casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shalay ayaa ugu dambeysay Xaaf ayaa khudbad ka jeediyay kulan ay Madaxda Maamul Goboleedyada la lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare waxa uuna sheegay in loo nabadgeliyo xildhibaanadiisa oo uu ula jeeda kuwa Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
“Idinka Sanotereda waxana idinka codsanayaa in Guntiga aad dhiisha isaga dhigtaan isu tagtaan waxan ogahay in idinka laftiina aad Siyaasad ahaan iska soo horjeedaan balse waxaan idinka codsanayaa in xildhiabanadeyda aad ii nabad gelisaan oo hakala shir shirshirina ina adeeryaloow ayuu yiri Xaafâ€
Hadalka Madaxweyne Xaaf aya ka careysiiyay qaar ka mid ah xildhibanada Galmudug waxana ka mid ah xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabe Dalsan ayuu la soo xiriiray waxa uuna yiri.
“Waxyaabaha uu meesha ka yiri waxa ka mid ahaa xildhibaanadeyda kaleexda ee yaan leyga barin afkaaraha qaldan hadalkas ayaaba qalad ah waayo xildhibaanadu malaha isaga hadii wax la leeyahayna isaga ayaa la leeyahay waayo xildhibaanada isaga ayay Madaxweyne ka dhigeen ayuu isna yiri xildhibaanka”