Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaano ka tirsan dalka.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay Cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaanada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 157 qof uu ku dhacay COVID-19.
Sidoo kale Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Somaliland laga helay 20 qof, halka G/Banaadir laga helay 2 ruux iyo deegaanada Galmudug oo laga diiwaan-geliyay 1 qof, waxaana dhammaan 157 ee laga helay Cudur rag ah 98, halka 59 ay yihiin dumar.
Si kastaba Tirada guud ee dadka uu ku dhacay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaartay 3,745 ruux, waxaa ka bogsatay 3,010 oo uu horey ugu dhacay, isla markaana waxaa gudaha dalka Cudurka ugu dhintay 99 qof.