Dad ku dhintay Shil ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida

Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday, halka 4 kalena dhaawacyo Culus ayaa soo gaaray, kadib markii saakay shil gaari uu ka dhacay degmo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha ama Carro gediska uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare sare, isla markaana marayay duleedka degmada Ceel-kari ee Gobalka Af-dheer ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa soo weriyay in gaariga markii hore  uu ka dhacay Haadka, uuna ku socday xawaare, kadibna gaariga uu kasoo dhacay buur-dheer, waxaana waxyeelo kala duwaan kasoo gaartay 7 ruux oo la socday.

Sidoo kale dadka deegaanka degmada Ceel-kari ayaa gurmad Deg-deg ah u sameeyay dadkii dhaawcyada soo gaareen, isla markaana waxaa loola cararay Xarumo Caafimaad, si loo dabiibo.

Deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana shilalkaas ay ku dhasheen siyaabo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media