Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-cismaan waxaa uu weriyayaasha u faah faahiyay gobol kasta iyo inta kiis ee kufsi ah oo ka dhacay sanadkii 2016. Xeer ilaaliyuhu waxaa uu intaasi ku daray in kiisaska ay hayaan uu yahay kuwa la diiwaangeliyay , balse ay jiri karaan kuwo aan la ogeyn.
Isagoo kasii hadlaya xaalada kufsiga, wuxuu sheegay in kufsiga soo badanaya ay sababeen, anshax xumada iyo filimaanta xun ee dhalintu daawato , kufsi dhaqaale lagu raadiyo , kufsi lagu kala aarguto iyo kufsi ku yimaada sidii hore loogu yaqaanay.
Mar uu ka hadlayey Tirada Kiisaska Kufsiga ee ka dhacay Gobal kasta oo ka tirsan Puntland waxa uu soo bandhigay Shaxdan:
Gobolka Bari waxaa ka dhacay 58 kiis oo kufsi ah.
Gobolka Karkaar waxaa ka dhacay 26 kiis oo kufsi ah.
Gobolka Mudug waxaa ka dhacay 13 kiis oo kufsi ah.
Gobolka Nugaal waxaa ka dhacay 11 kiis oo Kufsi ah.
Gobolka Haylaan waxaa ka dhacay 9 kiis oo kufsi ah.
Gobolka Sanaag waxaa ka dhacay 4 kiis oo kufsi ah.
Gobolka Cayn waxaa ka dhacay 2 kiis oo kufsi ah.
Fekradaada ka soo dhiibo sidee lagu yareyn karaa Kufsiga?
©Radio Dalsan