Waxaa Goordhow soo Gaba-gabowday Codeyntii Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Galmudug.
Guddiga Doorashada ayaa bilaabay tirinta Codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo soo xaadiray hoolka ay socoto Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale Xarunta ay ka socoto Doorashada ayaa waxaa ka maqan inta badan Xildhibaanadii Ahlusunna ugu jiray Baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana la xaqiijiyay in 8 kamid ah kuwa Ahlusunna ay soo xaadireen Xarunta Doorashada.
Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.