Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa si rasmi ah uga Bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labdiisa ku-xigeen.
Xarunta Shiirkole oo ah halka ay dhaceyso Doorashada Galmudug ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Guddiga Doorashada, Muhsraxiinta iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.
Haatan waxaa socota Codadka ay dhiibayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, isla markaana ay siinayan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.
Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.
Sidoo kale xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa u sharaxan ilaa iyo 5 Musharax, kuwaasi oo kala ah Axmed Yuusug Warsame (Taajir), Cali Daahir Ciid, Saadaq C/llaahi Xaashi, C/qani Shiikh Cali Diini iyo Maxamed Xaashi Carabey.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan Xarunta ay ka socoto Doorashada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.