Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo Goordhow la doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug ayaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb ku doortay Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug garabka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku tartamay ilaa iyo Afar musharax, waxaana ku jiray Musharax tan iyo markii ay bilaabatay Doorashada Galmudug loo saadaalinayay inuu ku guuleysan doono xilka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ku dhawaaqay in xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka loo doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), kaasi oo helay 66 Cod.

Musharaxiinta kale ee la tartan Axmed Qoor-qoor ayaa kala helay Codadka kala ah

Axmed Shir Maxamed 1-Cod

Cabdullahi Samatar 9-Cod

Sabriye 1-Cod

Sidoo kale waxaa Goordhow la guda geli doonaa Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka  Galmudug, waxaana xilkaas ku tartamaya ilaa iyo 5 Musharax oo uu ku jiray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media