Ciiddanka Turkiga iyo Maleeshiyadda ay taageeraan oo Kooxda Daacish ka qabsaday magaallo muhiim.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Turkiga ayaa lagu sheegay inay gudaha u galeen magaalladda Al-baab oo 40 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Xuduudka Turkiga la wadaago Syria.

Dagaalamayaasha Axraar Al-shaam oo ay Turkiga taageeraan waxay Bartooda Twitter-ka ku sheegeen inay qabsadeen Garoon weyn oo ku yaalla Al-baab.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa la arkayey Maleeshiyadaasi oo ku sugan Isbitalka Xikma ee magaalladda  Al-baab.

Taliska Milliteriga Turkiga waxay kaloo sheegeen in ugu yaraan 43 dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish lagu dilay Duullaanka lagu qabsaday Al-baab.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media