Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka puntland ayaa ka waramay isbadalka iyo doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu kusooo baxay madaxweyne Farmaajo waxaana uu guul ku tilmaamay Doorashadaas iyo hormar lagaaray soomaaliya.
Gaas ayaa balan qaaday inuu lashaqeen doono madaxwene Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay si dhow dowlad goboleedka puntland u garab istagi doonto dowlada Cusub waxaa uxusay inay muhiim tahay in lagawada shaqeeyo hormarka dalka iyadoo la’eegayo danaha Shacabka oo ubaahan hormar iyo dib udhis lagu sameeyo Dalka.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa shalay kulan gaar ah kula qaatay Muqdiso madaxweyne Farmaajo oo ay kawada hadleen qaabka ugu dhow ay ku wadashaqeen karaan dowlada goboleedyada dalka iyo dowlada dhexe waxaana kulaankaasi madaxda maamuladu balan qaadeen inay lashaqeen doonaan dowlada Cusub.