Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa soo saaray habraaca amniga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo 15-ka bishaan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS lagu wareejiyay amniga Teendhada Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha dalka.
Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Nabadsugida ayaa loo xilsaaray ammaanka guud ee Magaalada gudaheed iyo banaankeeda, si ay uga hortegaan wax kasta oo keeni kara khal-khal amni, sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa la faray fududeynta socodka Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanada.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Cikdanka Milateriga ah ee degan Teendhada Afisyooni ku amray in halkaas uga guuraan si KMG ah, inta lagu jiro doorashada, isla markaana la faray inay xoojiyaan amniga banaanka xerada.
Sidoo kale Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in amniga Madaxweynaha cusub ee la doorto ay la wareegayaan Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, isla markaana la geynayo goob amnigeeda sugan yahay.
Hoos ka Akhriso Bayaanka uu soo saaray Guddoonka Golaha Shacabka.