Marwada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyootay iyo Madax tacsi dirtay

Allaha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyooday marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Geerida ku timid Xaawo Cali Samtar ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah qoyskeeda, iyagoona sheegay in marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali ku geeriyoodat dalka Imaaraadka Carabta, Ma jirto farah-faahin dheer ah oo laga bixiyay geerida Xaawo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Dhinaca kale Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u farabadan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor