Ciidanka Jubbaland oo Gacanta ku dhigay Doon ay qaraxyo saarnaayeen

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa soo bandhigay Doon qaraxyo Miinooyinka dhulka lagu aasa ah ay saaranyihiin taas oo sida ay sheegeen la doonayay lasoo geliyo deegaanada Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen Jiinka Webiga Jubba in ay kusoo qabteen qaraxyadaas isla markaana ay haayeen xogtooda iyada oo sheegay in ay fashilyeen qorshihii laga damacsanaa.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidanka Nabadsugidda Jubbaland in Alshabaab ay soonayeen in Miinooyinka  soo gudbiyaan ayagoo ka soo gudbaya wabiga aaga Yoontooy iyo Buula-gaduud u dhaxeysa.

Xubno ka tirsan ALshabaab iyo ciidanka Jubbalda yaa iska hor imaad kooban uu dhexmaray iyaga oo intaas kadibna soo bandhigay Doon Caag ka sameysan oo ay Miinyooyin saarnaayeen sida ay sheegeena ay ka carareen Alshabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media