Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa waxey waxaa ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.
Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmadda Walan-weyn, halkaasi oo ay sida ay sheegeen ay  ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ay magacyadooda ku sheegen Ciidanka Danab: Cabdicasiis Awoowe oo Al-shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada hoose, Madaxii Qaraxyada Gobolka Sh. hoose (Abuu-qadaab) iyo lix dagaalame oo la socday sida ay Warbaahinta codka ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.
Hawlgalkaan qorsheysnaa ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay sida Saraakiisha Danab ay warbaahinta u shegeen goob maxkamad u aheyd Shabaab, iyaddoo Danab intii hawlgalka ay kuguda jireen ayay sheegeen in ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha ay Alshabaab adeegsadaan, waa sida ay hadalka u dhigeene Saraakiisha Danab.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgalada ay ka wadeen Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ay shegeen in sare u qaadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.